OgeysiisXarunta (masaajidka) Al-tawxiid ee soomaaliyeed waxay ugu bishaaraynaysaa guud ahaan ummadda muslimiinta ah, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee kunool København iyo nawaaxigeeda inay u diyaarisay goobtii lagu tukanlahaa Ciidda soonfur (ciidul-fidriga). Goobta lagu tukanayo waxaad kahelikartaa cunno, cibitaan iyo wixii kale ee ay caruurtu kuciyaarilahayd. Maalmaha la ijaaray goobtu waa maalmaha taariikhdu tahay 20-21. sep. 2009. wixii tafaasiil dheeraad ah kala xidhiidh maamulka masaajidka soomaalida ee København. Goobta: Nørrebrohallen Goorta: 20. ama 21. sep. 2009 (hadba maalinta ciiddu noqoto) Saacdda salaadda latukanayo: 09:30 subaxnimo Gaadiidka: Bus 4A, 5A, 350S, tareenka F oo aad kaga degikartid Nørrebro station Waa maamulka masaajidka al-tawxiid oo idin leh Ciid Wanaagsan dhamaantiin. WT |
Somalisk Ungdoms- og Kulturforening
Nordre fasanvej 186, st. th. DK-2000 Frederiksberg Tlf.: +45 3810 7724 E-mail: sukfdk@gmail.com www.tawxiid.com |
Sep
18
Xarunta (masaajidka) Al-tawxiid.
admin |
09 18th, 2009|